Muqdisho 30 05 2016
Olole socday muddo sadex cisho ah oo lagu wacyi galinayay dhallinyarada gobolka banaadir ayaa lagu soo gabogabeeyay magaalada Xarunta dhallinyarada MOSYC ee degmada Shangaani magaalada Muqdisho. Ololahan oo ay qabanqaabadiisa iska kaashadeen ururka dhallinyarada gobolka banaadir iyo Somali Youth Leadership Forum (SYLF) ayaa waxaa kaqeyb qaatay 600 oo dhallinyaraa oo kakala timid degmooyinka gobolka banaadir iyo ardayda jamacadaha somaliya kaas oo diiradda lagu saarayay dhiirri galinta dhallinyarada ee sameynta isbeddel wanaagsan oo dhan walba oo nolosha ah loogana wacyi galinayo tahriibka iyo arrimaha halista galinaya nolosha dhallinyarada iyo bulshadooda. Xafladda gabogabada oo ay marti ku ahaayeen xildhibaano katirsan BFS iyo masuuliyiin ka kala socday ururrdada bulshada, maamulka gobolka banaadir iyo marti sharaf kale ayaa waxaa si aad ah uga dhex muuqday
Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Gobolka Banaadir C/kaafi Makaraan oo isna halkaa khudbad kajeediyay ayaa u mahad noqay kasoo qeyb galayaasha shirka iyo ururka ee iska kaashaday hirgalinta ololaha una ballanqaaday barbaarta inay u taagnaan doonaan danahooda iyo xuquuqda ay leeyihiin dhallinyaradu.
waxa ka loo ka hadlay madasha Gudomiyaha dallada bartamaha somaliya Mahamed sandhool oo ugu horeyn u mahad celiyay ururka dhalinyarada Gobolka Banaadir kana hadlay dorka ee ku leyihiin hormarka dalka dhalinyarada somaliyeed
Guddomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda maamulka G/Banaadir Maxamed Diriye Yabooh oo isna kalmad kajeediyay madasha ayaa dhallinta kacodsaday inay maamulka kala shaqeeyaan amniga iyo xasilloonida si hormar loo gaaro.
Xildhibaan Mustaf Sh Cali Dhuxulow oo aad u jecel arrimaha barbaarta ayaa guubaabiyay dhallinyarada lana wadaagay ciyaarihii ay soo bandhigeen hobollada barbaarta Muqdisho oo ayagu halkaa kadhigay bandhig heeso waddani ah oo dhallinta lagu guubaabinayo.
munaasabadda ayaa waxaa ay kusoo dhammaatay jawwi farxad leh ayadoona mahad loo jeediyay xarunta Mogadishu One Stop Youth Center oo ayadu martigalisay munaasabaddan