Tartan Faneedka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo heer xasaasi maraya

Maalmahan degmooyinka kala duwan magaalada Muqdisho ka soconayay tartanka horumarinta hidaha iyo fanka dhalinyarada ku nool gobolka Banaadir waxaana uu soo gaaray heer xasaari ah.

Tartankaan oo guda galay wajigiisa 2-aad shalay ayaa waxaa isugu soo haray ilaa 9 degmo oo loo qeybiyay 2 qeybood(groups) waxaana qeybta hore ku tartamay ilaa 4 degmo oo kala ah Waabari oo tartanka marti galinaysay,Xamar Jajab,Dharkeenleey iyo Kaxda waxaana guruubkaas laga doonayay labo degmo inay kasoo gudbaan oo heerka afar dhamaadka(semifinal) u soo baxaan waxaana soo gudbay degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab waxana ka haray degmooyinka dariska ah ee ku yaallo koofur galbeed gobolka Banaadir ee kala ah Dharkeenleey iyo Kaxda.

Degmada Waabari ayaa kamid ah degmooyinka ugu cad cad inay ku guuleystaan tartankaan waxaana ugu qeyb galaya dhalinyaro ku fir fircoon dhaqanka iyo fanka.

Wareega 2-aad tartankaan ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gabo gabeeyo waxaana ku tartami doonno ilaa 5 degmo oo laga doonayo inay kasoo gudubto 2 degmo.

Degmada Boondheere ayaa marti galin doonto kulanka shanta degmo ay maanta ku tartami doonaan waxaana ay kala yihiin degmooyinka tartamaya Wardhiigleey,Kaaraan, Shibis,Shangaani, iyo Boondheere.

Tartankaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyayCabdi Kaafi M.Makaraan,Guddoomiyaha dhalinyarada maamulka gobolka Banaadi

 

Makaraann-600x400

13077033_1712108925694526_1535751750642802544_n-600x400 13151661_1712109395694479_6075061588001439995_n-600x400 13151786_1712108222361263_5132677973624183969_n-600x400 13164353_1712108675694551_8802322523291972342_n-600x400 13165849_1712107969027955_1407583488654165199_n-600x400 13166018_1712108065694612_7853563572136418734_n-600x400 13166052_1712109055694513_1418502543679925475_n-600x400 13173711_1712109439027808_5796600912325301819_n-600x400 13173773_1712108532361232_8225409626586894972_n-600x400 13174188_1712108149027937_6900914707433255820_n-600x400 13177505_1712108389027913_8195578519054683094_n-600x400 13220874_1712108715694547_8166836004946683672_n-600x400 13221729_1712108205694598_426835986758496269_n-600x400 (1) 13221729_1712108205694598_426835986758496269_n-600x400 13230150_1712108702361215_8490290005536745584_n-600x400 Macoow-dharnkeenleey-600x400 makaraan-iyo-xaawo-kiin Makaraann-600x400 Waabari-600x400