Banaan baxa loga soo hor jedo dilalka dhalinyarada logesto

Banaan bax looga soo horjeedo dilalka qorsheysan ee loo geysto dhalinyarada waxtarka u ah bulshada ayaa ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo dhalinyaro ka dhiidhinaya dilkii maalmo ka hor loo geystay Maxamed Maxamuud Sheekh Cali ay socod ku marayaan waddooyinka Muqdisho

Dhalinyarada banaan baxaya ayaa wata boorar ay ku qoran tahay halku dhigyo kala duwan, sida maxaa loo dilay Maxamed, waxaan rabnaa isla xisaabtan, cadaalad daro waa amni daro, ammaan ma nihin iyo erayo kale.

Qaar ka mid ah dhalinyarada abaabushay isu soo baxay ayaa si gaar ah isu soo baxan ku muujiyay dareenkooda ku aadan wiilkii dhalinyarada ahaa ee maalin ka hor lagu dilay Muqdisho,