Bandhiga Buugaagta Banaadir-BBB oo maanta lagu qabtay Xarunta Dhalinyarada Gobolka Benadir ayaa waxaa……..


Gudoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada Ee Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Shakeeti ayaa maanta daah-furey munaasabadda BANDHIGA BUUGAAGTA BANAADIR-BBB oo maanta lagu daah-furey xarunta Dhalinyarada Gobolka Benadir ee #mogadishu_one_stop_youth_center.

Bandhiga buugaagta banaadir ayaa socon doono muddo 3 maalin ah, eyadoona lagu soo bandhigi doono buugaag badan oo ay qoreen dhalinyaro kala duwan oo isugu jira rag iyo dumar, Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Dhak gobolka Banaadir mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa bogaadiyay dhamaan dhalinyarada sida weyn oo ay ugu qeyb qaadanayaan inay buugaag ugu deeqaan Maktabadda Eng.yariisow ee xarunta dhalinyarada gobolka Benadir.