Cabdikaafi Maxamuud Makaraan oo loo doortay gudoomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir

Doorasho  ka dhacaday Xurunta  Maamulka Gobolka Benaadir ee Magaalada Muqdisho  oo ay ka soo qeyb galeen Gudoomiyayaasha  dhalinyarada degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa Gudoomiye loogu  doortay Cabdikaafi Maxamuud Makaran.

Madasha doorahada ayaa waxa soo xaadiray 15-degmo  halka 1 degmo ay ka maqneyd, waxana codka siiyay Guddoomiyaha la doortay 14- degmo halka 1- degmo ay ka amuustay.

Doorashadan Guddoomiyaha Ururka dhalinyarada degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa ka soo qeyb galey Agaasimaha xirirka arrimaha Bulshada  Cabdicasiis Goodax Barre, Agaaasimaha  xirirka degmooyinka Mukhtaar Maxamed Axmed iyo Madaxa dhalinyarada  iyo Isboortiga Cabdullahi Dahir Sabriye.

Gudoomiayaha Ururka Dhalinayrada Gobolka Banaadir ayaa waxa doortay Gudoomiyayaasha ururka dhalinyarada ee degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo doorashada kaddib uu ka mahadceliyay sida ay ugu garteen in uu noqdo guddoomiyaha ururka dhalinyarada ee Degmooyinka Gobolka Benaadir.

70

71