Daah furka Barnaamijka wacyi galinta iyo Horumarinta Dhalinyarada degmoyinka

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa caasimadda Muqdisho Mudane Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir axmed ayaa Maanta Daah Furay Barnaamijka Wacyi galinta iyo Hormarinta Dhalinyarada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Maxamuud Makaraan ayaa Sheegay in dhalinyarada Gobolka Banaadir ay yihiin dhalinyaro Ka Shaqeysa isdhaxgalka Bulshada Marwalbana Diyaar u ah in ay ka Shaqeeyaan Xasilinta Magaalada Muqdisho,

Ugu Danbeen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Kula Dardaarmay Dhalinyarada Gobolka Banaadir in ay Ka Shaqeeyaan Amaanka Magaalada Muqdisho iyo Sida ay iskula Shaqeyn lahayeen Dhalinyarada 17 Degmo ee Gobolka Banaadir,