Daah Furka Ololaha Canshuuraha

“Daah furka Ololaha Canshuurtu waa Ceymis””
Barnamijka Wacyi Galinta Bulshada oo Manta lagu Qabtay Xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar Ololaha Canshuurtu waa Ceymis taas oo logu Tala Galay in lagu Xoojiyo Hanaanka Canshuur Uruurinta Gobolka Banaadir. Ayaa Maanta waxaa daah Furay,

Agaasimaha Guud ee Maamulka Iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Mudane Abdiraxman Ahmed Xayle iyo Gudomiyaha Dhalinayarada Gobolka Banaadir Mudane Abdi kaafi Mohamuud Makaraan, Ayaa dhalinyarada kula dardaarmay In ay Door muhiim ah kaqataan isxilqaamka ay mujiyeen.

Ayaa maantay ka furmay si habsami leh , waxaana kaso qeyb Galay 85 Dhalinyaro ah, wajiga Koowaad Lagu Bari Doono Sida ay kaalin Muuqata uga qaadan lahaayeen Hanaanka Canshuur uruurinta Dagmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhalinyarada oo ah laf dhabarka Bulshada ayaa waxa ay kuwa ku nool Gobolka Banaadir iskood isugu Xil Qaameyn in ay kala shaqeeyaan Hay’adaha kala Duwan ee Dowlada sidi ay u Wacyi galin lahayeen Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan G/Banaadir.

Sidoo kale ololahan oo ka kooban wajiyo kala Duwan ayaa waxaan rajeyneynaa in Bulshada ku nool Gobolka Banaadir ay Ku guubaabin Lahaayeen sidi ay Canshurta ugu Bixin lahaayen.

Gabagabada waxaa u diyaarsanahay hada nahay Dhalinyarada Gobolka Banaadir Ku nool in aan Ka qeyb Qaadano Adeegyada Muhiimka ah ee isku Xiraya Bulshada iyo Dowlada.