Degmada Kaaraan oo lagu qabtay kulan lagu soo dhoweynayo maamulka cusub + Sawirro

Kulan wadatashi iyo Isbarasho ah uu soo qabanqaabiyay ururka dhalinyarada Degmada Kaaraan oo gacan ka helay Hay’ada Wadahadalka Bulshada “CCD” ayaa waxaa lagu qabtay xarunta degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Degmada Kaaraan C/kaafi Maxamuud Makaraan oo furay Kulanka lagu soo dhaweynayay maamulka cusub ee degmada Kaaraan isla markaana ay isku baranayeen Dhalinyarada degmada iyo maamulka cusub ee dhawaan loo magacaabay degmada, wuxuuna ka qeyb galayaasha iyo dhammaan bulshada ku dhaqan degmada Kaaraan inay la shaqeeyaan maamulka cusub.

“Waxaan cod dheer ku sheegayaa in maamulka iyo bulshada Kaaraan ay diyaar u yihiin inay maamulka cusub kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo bilic soo celinta Degmada” ayuu yiri Gudoomiye Makaraan.

Guddoomiye Makaraan ayaa sheegay in maamulka cusub ee dhowaan loo soo magacaabay uu yahay hoggaankii degmada ka dhigi lahaa tan ugu wanaagsan degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo ugu maamulka cusub ka dalbaday inuu sare u qaado goobaha waxbarashada isla markaana uu ka furo Jaamacad oo uu sheegay in ardayda degmada Kaaraan ay Jaamacad u aadaan degmooyinka kale ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa kale oo ka hadlay Gudoomiyaha arimaha Bulshada maamulka degmada Mukhtaar Cali Cadow oo sheegay inuu ugu horeyn ka mahad celiyay abaabulka xafladaan oo uu soo qabanqaabiyay ururka dhalinyarada degmada kaaraan ee lagu soo dhoweynayo maamulka cusub.

Guddoomiye Mukhtaar ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsanyahay in kulan wadatashi iyo Isbarasho ah ay la qaataan dhalinyarada degmada Kaaraan, Isagoo ku amaanay niyad wanaagga ay doonayaan inay kula shaqeeyaan maamulka cusub.
Masuuliyinta kale ee kulanka ka hadashay waxaa ka mid ahaa Taliyaha Nabadsugida degmada Kaaraan, kaasoo ku booriyay dhalinyaradii kulanka ka soo qeyb gashay inay kala shaqeeyaan amniga.

“Dhalinyaroy hadaad garab nagu siisaan sugida amniga waan ka guuleysaneynaa kooxaha carqaladeynaya nabada, Ogaada Shabaab kaliya dagaalka nagama dhaxeeyo, waxaa jira cadow kale ama burcad dadka Taleefanada ka qaadata kuwaasi waan la dagaaleynaa, waxaana idinka codsaneynaa hadaad aragtaan inaad noo soo sheegtaan” ayuu yiri Taliyaha Nabadsugida degmada oo dhanka kale xusay in rag burcad ah oo degmada ay ka soo dhaxqabteen maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukun ku riday shalay.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxow, oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa dhalinyarada degmada Kaaraan u sheegay war ay si weyn ugu farxeen kaasoo ahaa in uu saxiixay heshiis lagu dhisayo wadada wadnaha, laguna gelinayo Leerka ku shaqeeya cadceeda.

Gudoomiyaha ayaa ka dalbaday dhalinyarada degmada Kaaraan inay la shaqeeyaan laamaha amaanka si degmada looga hirgeliyo adeegyada ay u baahantahay.

Kulanka oo jawi wanaagsan ku soo dhamaaday ayaa waxaa ka qeyb galay dhaliyaro isugu jirtay Gabdho iyo Wiilal ka kala socday waaxaha ay ka koobantahay degmada Kaaraan, waxaana dhalinyarada maamulka cusub hortiisa ay ka balan qaadeen inay si hagar la’aan ah ay ula shaqeynayaan.

DSC09488 DSC09489 DSC09492 DSC09500 DSC09503 DSC09505 DSC09509 DSC09514 DSC09522 DSC09533 DSC09542 DSC09554 DSC09560 DSC09568 DSC094841