Dhalinyarada Gobolka Banaadir oo banaanbax kadhan ah Al-Shabaab ka dhigay Muqdisho + Sawirro

Dhalinyarada 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhigay magaalada Mudisho isu soo bax lagu taageerayo horumarka Maamulka Gobolka Banaadir, loogana soo horjeedo ficilada Al-Shabaab, waxaana ugu dambeyn dhalinyaradan ay isugu soo uruureen Xarunta maamulka degmada C/casiis.

Dibad baxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xarunta wada hadalka bulshada ee CCD, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Gudoomiyeyaasha degmooyinka, Ururada Haweenka iyo Gudoomiyeyaasha dhalinyarada 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Dibad baxayaasha oo watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala gedisan oo ay ku muujinayeen dareenkooda ayaa waxay socod kusoo mareen wadooyinka degmada C/casiis.

Intii uu socday isu soo baxan ayaa waxaa suugaan iyo heeso ku soo bandhigay Kooxo Fanaaniin ah, waxaana heesaha qaar oo ahaa kuwo wadaniyad iyo wacyi gelin ka muuqatay lagu muujinayay nabada iyo xasiloonida sida ay bulshada lagama maarmaan u tahay.

Gudoomiyaha Hey’adda Wada hadalka bulshada ee CCD Ciise Axmed Cumar oo ugu horeyn ka hadlay fagaarihii ay dadweynaha dibad baxayay isugu soo uruureen ayaa uga mahad celiyay dareenkooda iyo shucuurtooda, isagoo xusay in dhalinyarada ay yihiin xooga bulshada.

“Maanta inaa dareenkiina iyo shucuurtiina halkan ku soo bandhigtaan waxay astaan u tahay in kuwa magaciina bedelay ee idin adeegsaday fikradaha qaldan inaad iska dulqaadaan, dhalinyaradu waa xooga dalka, sida la socotaan 75% dalka waa dhalinyaro, marka waa inaad ka qeyb qaadataan dabar-goynta Shabaab”ayuu yiri Gudoomiye Ciise oo sheegay in dhalinyarada maanta ay yihiin madaxda degmooyinka.

Sidoo kale Gudoomiye Ciise ayaa sheegay in dhalinyarada la marin habaabiyay, isla markaana loo adeegsaday wajiyo kala duwan, waxaana uu tilmaamay inay u istaagaan sidii ay u soo celin lahaayeen sharafkii iyo karaamadii dalka u lahaa, kana hor-tagaan qiyaanada Shabaab sida uu yiri.

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir C/kaafi Maxamuud Makaraan ayaa sheegay in isu soo baxan ay dhalinyarada ku cadeynayaan horumarka Gobolka banaadir iyo ka hortaga Al-Shabab, isagoo xusay in loo baahan yahay in dhalinyarada ay soo sheegaan kuwa nabada carqaladeynaya.

“Isu soo baxan waxay dhalinyarada ku cadeynayaan dareenkooda, in gobolka banaadir horumar xag amni ku tallaabsaday, inaan iska dulqaadno Al-Shabaab oo magacii dhalinyarada ay naga xadeen, inaan soo sheegno kuwa nabada carqaladeynaya”ayuu yiri C/kaafi Maxamuud Makaraan oo intaa ku daray in dhalinyarada ay ka shaqeynayaan nabada dalka.

Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Abuukar Soomow oo ka hadlay isu soo baxa ayaa sheegay in guul u soo hoyatay dalka ay tahay in maanta magacii dhalinyarada ee la bililaqeystay ay u soo jeestaan inay ka soo ceshadaan.

“Dal walba halka uu ka dhisan yahay waa dhalinyaro, maanta inaa garateen in magaciina ee la bililaqeystay inaad soo ceshataan waa guul, dhalinyarada waa awoodii dalka, sidaas darteen inaa dareenkiina mujisaan oo midka wax qaribaya far muuqdaan ayaa la idinka rabaa”ayuu yiri Sheekh Soomow oo ugu baaqay dhalinyarada inay isaga soo baxaan Al-Shabaab.

“Nabad la gaari karo ma jirto hadaan shabaab la bixin, dhalinyarada waxaa laga rabaa inay soo sheegaan kii miinada dhigaya, midka qarinaya ee aan soo sheegin waa la mid, qofkii qof muslim aha dila waa ahlu naar”ayuu yiri Sheekh C/qaadir Soomow.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa uga mahad celisay Hey’adda CCD sida mar walba bulshada ay u wacyi geliso, isla markaana isu keento, waxaana ay ugu baaqday inay sii wado kulamada iyo wacyi gelinta joogtada ah.

“Dhalinyarada maanta waxay u soo banaan baxeen inay cadeeyaan dareenkooda, in magaalada ay amni tahay, waqtii Al-Shabaab waa dhamaatay, hadaa baxsataan maxkamadii ciidanka ayaa idin joogta oo tiirka idin geyneysa, kuwii la qalday CCD u joogta oo diyaar u ah inay dhaqan celiso oo ay wacyi geliso”ayay tiri Jawaahir Baarqab.

Gudoomiyaha degmada C/casiis Cismaan Muxiyadiin Cali ayaa sheegay in dhalinyarada degmooyinka Gobolka Banaadir ee maanta isugu soo baxay degmada ay ka turjumayaan sida ay nabada inay ka shaqeeyaan diyaar ugu yihiin iyo horumarka uu ku talaabsaday Maamulka Gobolka Banaadir.

“Maanta waa maalin taariikhi ah in dhalinyaradii 17-ka degmo ay qeyb ka mid ah degmada C/casiis isugu soo baxeen, iyadoo muujinaya dareenkooda, in magaalada ay tahay amni, horumarna uu ku talaabsaday maamulka Gobolka Banaadir,waxaa leenahay inta yar ee Al-shabaab ay sameynayaan waa naf la caaro, awood shabaab ah oo hada taagan ma jirto, xilliyadii magaaladan ay dhibka weyn ku hayeen waa dhamaatay”ayuu yiri Gudoomiyaha degmada C/casiis.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caana-Geel) oo ugu dambeyn ka hadlay isu soo baxa ayaa sheegay in fikirka Al-Shabaab lagula dagaalami karo aragti iyo afkaar, in la badiyo isu soo bax, kulamada bulshada isugu timaado.

“Afkaarta Shabaab waxaa lagula diriri karaa waa afkaar kale iyo aragti xoog kaliya ma ahan, aragtida ay dadka geliyaan in laga suuliyo loo baahan yahay, maanta waa kuwii iyaga aas aasay waa iyaga is cunay, sida Ibraahim Afqaan, marka aniga waxaa leeyahay sidee wax u duufsadaan daliil uma hayaan”ayuu yiri Gudoomiye Caana-Geel.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay hey’adda CCD inay badiso isu soo baxa ceynkan oo kale ah, si loogu guuleystay in kuwa maskaxda laga xaday laga suuliyo, lana soo celiyo.

DSC00256 DSC00290 DSC00299 DSC00303 DSC00310 DSC00322 DSC00323 DSC00370 DSC00398 DSC00457 DSC00483 DSC00492 DSC00498 DSC00560 DSC00636 DSC00639 DSC00639-618x463 DSC00690 DSC00729 DSC00764 DSC00790 DSC00805 DSC00873 DSC02122 DSC02150 DSC02198