Gudoomiye Xigeenka Arimaha Bulshada Iman Nuur Ikar ayaa ka qeyb Galay xaflad Furitaan ah oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya Logu sameeyey qaar kamid ah dhalinyarada dabdamiska ka shaqeeya Gobolka Banaadir
Dhalinyarada ayaa loo soo tababarayaa qaabka Loo damiyo dab hadii uu ka kaco Garoomada Diyaaradaha(Airports) Kuwaas mudo Kooban soo qaadan doona tabarkaas ,
Waaxda dabdamiska maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa U shaqeeya dadka ku dhaqan caasimadda Soomaliya kuwaas habeen iyo maalin heegan ugu jira sidi ay U badbaadin lahaayeen qasaaraha uu dhaliyo dabka ka kaca Magaaladda Muqdisho,Sidoo Kalena waxay tababaro iyo gaadiid siiyaan Gobolada dalka intiisa kale .