Dhallinyarada gobolka Banaadir oo loo soo xiray tababar laba maalmood socday + Sawirro

Tababar ay iska kaashadeen Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka iyo ururka dhallinyarada gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadda xiritaanka tababarka oo socday muddo laba maalmood ay khudbado ka jeediyeen Wasiirka Haweenka Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Gobolka Banaadir C/Kaafi Maxamuud iyo qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha tababarkaasi.

Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ku boorisay dhallinyarada ka qeyb gashay tababarkaasi inay ka faa’iideystaan waxyaabihii la baray, iyadoona sheegtay in dhallinyarada nasiibka u yeelatay tababarkaan ay u sii gudbiyaan waxyaabihii ay ka barteen tababarka asaagooda aan fursadaan helin.

“Dhallinyaradiina waxaad tihiin mustaqbalka berri dalka hoggaamin lahaa, waana inaad u istaagtaan sidii aad uga hortegi laheedeen kufsiga iyo tacadiyada haweenka loo geysto iyo waliba afkaaraha xagjirnimada ee dalkeena baabi’iyay” ayay tiri Wasiirad Khadiijo.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Gobolka Banaadir C/Kaafi Maxamuud ayaa isna khudbad xiritaan ah u jeediyay dhallinyarada tababarka ka qeyb gashay, wuxuuna kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan tababarkaan.

Waxa uu sheegay Guddoomiye C/Kaafi in dhallinyarada ay yihiin awooda kaliya ee dalka u horseedi karta nabadda, dowladnimada iyo horumarka, sidaas daraadeedna ay ka hortagaan wax kasta oo lagu dhibaateynayo dalka iyo dadka.

“Shaki iigama jiro inaad tihiin dhallinyaro awood u leh inay ka hortagaan tacadiyada lagula kaco gabdhaheena iyo haweenka” ayuu yiri Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ugu baaqay dhallinyarada tababarka loo soo xirayo inay kahortagaan fikradaha qaldan ee kooxda Al-Shabaab ay ku shubeen asaagooda.

0 1 3 4 6