Dood cilmiyeed looga hadlayay hadafka ay hiigsanayaan dhalinyarada oo lagu qabtay Muqdisho + Sawirro

Dood cilmiyeed looga hadlayay yoolka ay hiigsanayaan dhalinyarada 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa manta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo dood cilmiyeedkan lagu soo bandhigay qodobo ka turjumaya mustaqbalka dhalinyarada iyo sidii ay dalka u hogaamin lahaayeen.

Dood cilmiyeedkan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Wada hadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa khudbado ka jeediyay Mas’uuliyiinta Hey’adda iyo qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha dhalinyarada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ugu horeyn waxaa dood cilmiyeed ka hadlay Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Gobolka Banaadir C/kaafi Maxamuud Makaraan kaasoo ugu horeyn umahad celiyay hey’adda wada hadalka bulshada sida mar walba ay u garab taagantahay Dhallinyarada.

“Waxaa uga mahad celinayaa Hey’adda CCD garab taaga iyo isku keenida dhalinyarada, marka waxaa rabnaa inaan fursadaas ka faa’iideysano isla markaana aan ka shaqeeyno horumarka dalka iyo nabadgelyada”ayuu yiri C/kaafi Maxamuud Makaraan.

Gudoomiye Makaraan ayaa sheegay in dhalinyarada la qalday loo baahan yahay in xirfado loo abuuro, sida shaqooyin, waxbarasho, caafimaad, lana wacyi geliyo si ay bulshadooda uga mid noqdaan.

“Fikirka Al-Shabaab wuu jiraa wali, laakiin waxaa loo baahan yahay in fikirkaas lala dagaalamo, dhalinyarada la qalday wanaag loogu baaqo, wacyi gelin loo sameeyo, inta maanta ku harsan Al-Shabaab ay ka soo baxaan”ayuu yiri mar kale C/kaafi.

Sidoo kale waxaa ka hadlay dood cilmiyeedka Cali C/qaadir Faarax oo ah Gudoomiyaha dhalinyarada degmada Xamar jajab, waxaana uu sheegay in dhalinyarada ay hada xor noqdeen, maadaama magacoodii la xumeeyay, isla markaana dhibaatooyin badan la soo maray.

“Dhalinyarada maanta ayay xornimo heleen, maxaa yeelay waxay hada ka xoreebeen tii Shabaab, waxaa soo marnay xilliyo kala duwan, hogaamiye kooxeedyo, qabiilo, kooxo diimeedyo marba qolo ayaa laga xoroobayaa, marka dhalinyarada maanta waxaa la raba inay hadaf yeelato, maadaama mustaqbalka dalka ay yihiin”ayuu yiri Cali C/qaadir.

Gudoomiyaha Hey’adda Wada hadalka bulshada Ciise Axmed Cumar oo khudbad dheer ka jeediyay dood cilmiyeedka ayaa sheegay in dhalinyarada maanta ay is bedel la yimaadaan, maadaama ay horumaro dalka ka jiraan, isla markaana Al-Shabaab laga saarayo dalka oo dhan.

“Ugu horeyn waxaa rabaa inaa cambaareeyo falalka guracan ee maalmahan dhacayay ee fuleynimada ah, wadankan dhalinyarada ayaa lala dagaalamayaa, labadii qarax ee u dambeysay dhalinyaro ayaa lagu dilay, dhalinyarada marna waa la marin habaabinayaa, marna dadkii waxbaranayay ee meelaha isku imaanayay ayaa la qarxinayaa, taasna nama cabsi gelineyso”ayuu yiri Gudoomiyaha Hey’adda wada hadalka bulshada.

Mr Ciise ayaa sheegay in marka hore lala yimaado is bedel, si loo gaaro hadafka uu qofka leeyahay, isla markaana laga wada tashado halka aad hiigsaneyso, lagana hortago waxyaabaha qaar ee hada dhacato, si dhibaatada looga baxo oo horumar iyo barwaaqo loo gaaro.

“Waxaa dareemi karnaa in horumar uu yimaaday dhalinyaradana waxay ku fikirayaan kol hadii Shabaab laga saaray magaalooyinka, sidee hadaf loo gaari karaa, waxaa loo bahan yahay in dhibka jiro laga baxo, waxaa u baahanahay in marka hore uu is bedelka qofka ka bilowdo, waa in is bedelkaas loo maraa go’aan macno sameynaya, si qofka uu yoolkiisa berri u gaaro”ayuu yiri Gudoomiye Ciise.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in mustaqbalka dalka ay yihiin dhalinyaro, loona baahan yahay in dhalinyaradu la awoodeeyo.

“Waxaa rabnaa inaa is weydiino sidee is bedelka loo maraa, marka hore qorshe howleed inaa la timaado, naftaada inaa maareyno, inaad maalin kasta, bil walba, ilaa sanad aad ku fikirto sidee hadafkaada u gaari kartaa, dadka kale sidee aad horumarka ay sameeyeen uga baran kartaa, marka aad yoolkaada gaareyso dad cadaw ku ah horumarkaada ayaa jiro, taasna waa inaa ku fikirtaa inaa la kulmi karto, hadaa shalay xaafadaha joogteen, maanatana aad madax noqoteen waa qasab marka qof kaa soo horjeeda oo ku diidan inuu jiro”ayuu yiri Gudoomiyaha oo guubaabinayay dhalinyarada 17-ka degmo.

Gudoomiye Ciise ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay ku daydaan dadka taariikhda ka galay baal dahab, sida dhalinyaradii SYL, isla markaana qof walba uu ku fikiro inuu horumar sameeyo, si berri ay taariikhda ugu qoranto, hadii uu wax qabtay.

Waxaa kaloo kulanka ka hadlay Gudoomiyaha dhalinyarada degmada H/wadaag oo sheegay inay dhalinyarada 17-ka degmo isku xirmaan, isla markaana wada shaqeyn la sameeyaan hey’adaha amniga, si looga hortago falalka amni daro.

Sidoo kale Gudoomiyaha dhalinyarada degmada Kaxda ayaa sheegay in loo baahan yahay in mar walba la badiyo kulamada iyo isu imaatinka dhalinyarada, waxaana uu xusay in nabadgelyada dalka ay dan ugu jirto cid kasta.

Qaar ka mid ah dhalinyaradii ka hadashay dood cilmiyeedka ayaa sheegay in magacii dhalinyarada la bedelay, isla markaana laga dhigay magac dhibaato ah, waxaana ay sheegeen in magaca Shabaab uu yahay dhalinyaro.

Ugu dambeyn waxaa kulanka soo xirtay Gudoomiyaha CCD ee qeybta Haweenka Sahro Maxamuud Amiin oo ugu baaqday dhalinyarada inay isku xirnaadaan, isla markaana la shaqeeyaan laamaha ammaanka.

DSC00125 DSC00139 DSC00146 DSC00158 DSC00159 DSC00166 DSC00186 DSC00201 DSC00217 DSC00227 DSC00232 DSC00235 DSC00249 DSC00257 DSC00277 DSC00281 DSC00285 DSC00313 DSC00315