Eyadoo wali lagu guda jiro isbuucii ololaha la dagaalanka caabuqa Covid19 ayaa Gudoomiyaha dhalinyarda gobolka banaadir mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan mar kale kormeer shaqo ah ku tagay

Eyadoo wali lagu guda jiro isbuucii ololaha la dagaalanka caabuqa Covid19 ayaa Gudoomiyaha dhalinyarda gobolka banaadir mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan mar kale kormeer shaqo ah ku tagay degmooyinka kala ah #Shibis, #Warta_nabada, #Howlwadaag, iyo #Xamar_jajab oo ay ka shaqeenayeeen in ka badan 200 oo dhalinyaro ah. Kormeerkaan ayaa waxa uu ahaa xaqiijinta habsami usocdka shaqooyinka arimaha wacyi-galinta caabuqa Covid19 oo ay dhalinyarada ka wadaan gudaha degmooyinka gobolka banaadir sida goobaha barakacayaasha ah iyo meelaha ay ku badan yihiin dadweynaha.