Gudd. C/Kaafi: “Waxaan baaq iyo mahad celin muhiim ah u dirayaa Dhallinyarada G/Banaadir”

1920555_553846108050015_3707094104733350018_n

Guddoomiyaha dhallinyarada maamulka G/Banaadir C/Kaafi Maxamuud ayaa baaq ka kooban dhowr qodob waxa uu u diray dhallinyarada gobolka ku dhaqan, isagoona ku ammaanay dhallinyarada Banaadir dhaqdhaqaaqyada nabadeed ee ay ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir.

“Hambalyo sanadka cusub ee 2015-ka dhallinyarada Gobolka Banaadir iyo dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunka ka joogaan” ayuu yiri Guddoomiye C/Kaafi Maxamuud oo si gaar ah dhallinyarada gobolka G/Banaadir uga mahad celiyay dadaallada hagar la’aaneed ee ay ka wadaan gobolka.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir in dhallinyarada gobolka ay door muuqda ka qaateen hirgelinta maamul wanaaga, soo celinta nabadda, Isboortiga iyo midnimada, wuxuuna tilmaamay muhiimadda ay dhaqdhaqaaqyadaasi u leeyihiin caasimadda dalka ee Muqdisho.

“Dhallinyarada gobolka Banaadir waxaan ugu baaqayaa in sanadkaan kiisa kale ay ku guuleystaan himilada la hiigsanayo” ayuu yiri Guddoomiye C/Kaafi oo sheegay in sanadka 2016-ka dalka la doonayo in doorasho xor ah ay ka dhaqan gasho.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay guulaha dhinaca ammaanka magaalada Muqdisho inay doorka ugu weyn ku leeyihiin dhallinyarada Gobolka Banaadir, isagoona tilmaamay in wada shaqeyn heerkeedu sareeyo uu kala dhaxeeyo ciidamada nabadgelyada.

Waxaa kale oo uu sheegay in dhallinyarada Gobolka Banaadir ay ku guuleysteen horumarinta Isbootiga, wuxuuna ku booriyay inay kordhiyaan dadaalkooda dhinaca is dhex galka bulshada oo horseedaya adkeynta nabadda iyo isku xirka degmooyinka Gobolka Banaadir.

Mar uu ka hadlayay qorshahooda ku aadan barnaamijyada lagu horumarinayo dhallinyarada Gobolka Banaadir waxa uu sheegay Gudoomiye C/Kaafi inay diyaarinayaan qorsheyaal kala duwan oo fara badan isla markaana lagu kordhinayo waxqabadka dhallinyarada degmooyinka kala duwan ee gobolka degan.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada gobolka Banaadir waxa uu Alle uga baryay sanadkaan kiisa kale inay ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo nabad ka hirgasha dalka oo dhan.