Guddoomiyaha dahalinyarada G/Benaadir oo dhiirrigeliyey dhalinyarada degmada Xamar weyne.

Guddoomiyaha dhalinyarada gobolka Benaadir Md Cabdikaafi Maxamuud Makaraan ayaa kulan dhiirrigelin ah la qaatay dhalinyarada degmada Xamarweyne, isagoo u sheegay iney ka qeyb qaataan nabadda iyo horumarka ka socda degmadooda.

Guddoomiyaha ayaa dhalinyarada ka dhageystay heeso ay isugu diyaarinayaan tartanka fanka ee bilaaban doona bisha soo socota, isagoo u xaqiijiyey in la joogo waqtigii dhalinyarada muhiimna ay tahay in dhalinyaradu meel ay kasoo wada joogaan.

Guddoomiyaha ayaa dhalinyaradaas u rajeeyay iney meel fiican ka tiigsadaan tartanka fanka iyo dhaqanka ee ururka dhalinyarada gobolka Benadir uu qaban doono bisha soo socda, wuxuuna kula dardaarmay iney iskaashadaan.