Guddoomiyaha dhalinyarada Gobolka Banaadir Mudane Abdikafi Mohamud Makaraan ayaa maanta ka qeyb galay Bandhiga Shaqada Muqdishu (Mogadishu Job Fair ………….

Guddoomiyaha dhalinyarada Gobolka Banaadir Mudane Abdikafi Mohamud Makaraan ayaa maanta ka qeyb galay Bandhiga Shaqada Muqdishu (Mogadishu Job Fair 2020) kaa oo sanadkaan looga hadlaayay caqabadaha shaqo la’aaneed ee haysta dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Caasimada Muqdishu iyo sidii lagu yareyn lahaaa. Guddoomiye Makaraan ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu muddo kooban shaqaaleysiiyay dhalinyaro aad u badan islamarkaana uu hadda wado qorshe lagu shaqaaleysiinaayo ku dhawaad 6,000 oo dhalinyaro ah ku nool Caasimada Muqdishu.