Guddoomiyaha xafiiska jooga ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo uu wehliyo Guddoomiyaha magacaaban ee maamulka

Guddoomiyaha xafiiska jooga ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo uu wehliyo Guddoomiyaha magacaaban ee maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yusuf Xusen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta si wadajir ah booqasho ugu yimid xarunta Dhalinyarada Gobolka Benadir ee #Mogadishu_one_stop_youth_center.

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan oo ku soo dhaweeyay xarunta Dhalinyarada Gudoomiyaha cusub ayaa ugu warbixiyey xaaladaha guud ee dhalinyarada Gobolka Benadir, saido kale wuxuu ugu warbixiyey shaqooyinka xarunta dhalinyarada ka socda, iyadoona uuna kormeeray hoolka Tababarada xarunta uu ugu socday tabarka iyo qeybta barashada Xirfadda Computer.ka.