Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Gobolka ahna Ku xigeenka Duqa magaalada dhanka Maamulka iyo maaliyadda Mudane C/Qaadir Maxamed Maxamuud (Caanabooro) ayaa Maanta

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Gobolka ahna Ku xigeenka Duqa magaalada dhanka Maamulka iyo maaliyadda Mudane C/Qaadir Maxamed Maxamuud (Caanabooro) ayaa Maanta ku Soo Xeray Xarunta Dhalinyarada Gobolka Banaadir Tababar ku saabsanaa Waxaad xaq uleedahay in aad sameyso (the right think to Do ), Seminaarkaan ayaa waxa uu socoday mudo 2 labo maalin ah, eyadoona maanta aheyd maalintii ugu danbeysay, khubaro iyo Aqoonyahano sar sare ayaa bixinayay tababarkaan muhiimka ah.

Madaxda ka soo qeyb gashay tababarkaan ayaa dhalinyarada ugu baaqey inay qeyb weyn ka noqdaan isabadaladda dhinaca sharcuga ah ee dalka kajira, mud ka mid ah dhalinyaradii tababarka qaadatey ayaa munaasabadda ka hadlay isagoona muujiyay dareenkiisa ayuu aaad ugu mahad-celiyay dhamaan maamulka gobolka banaadir gaar ahaan dhalinyarada gobolka banaadir iyo Garyaqaanadii bixisay tababarkaan muhiim.ka ahaa,

Waxaana ka faa’iidesteen oo loo qabtay Garyaqaano ka qalin bedashay Heerka 1aad iyo ardada Jamacadaha Gobolka Banaadir, gaar ahaan ku bartey culuumta kulliyadaha Sharciga qeybaheeda kala duwan.

Ugu danbeyntee tababarkaan ayaa waxaa Iska Kashaday xafiiska Dhallinyarada Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Qareenada Xalane ( Halane law office).