Gudomiyaha dhalinyarada Gobolka Banaadir Mudane Makaraan

Maanta oo ay aheyd maalinta 1aad ee ciidul Adxa aniga iyo qaar ka mid ah Gudomiye ku xigeeno arimo bulsho Degmoyinka Gobolka Banaadir waxaan booqasho ku tagnay Xarunta agoonta ee degmada Cabdi-Casiis.

Xarunta agoonta Muqdisho orphanage ee degmda Cabdi-Casiis ayaa waxaana ku jiro caruur badan oo agoon ah, waxaan maanta ugu tagnay inaan la qeyb sano farxada maalinta 1aad ee ciidul adxa iyo inaan dhiiri galino,

Xarunta waxaa Gacanta ku haya aasaasay Ambassador Mohamud Ahmed Nur Tarsan iyo Marwadiisa Shamis Ajir allaha ka siiyo Mudo 10 Sano ayee Gacanta ku hayaan wana Guul Runtii in aay u damqadaan Caruurta Agoonta

Caruurta ayaa ah kuwa muhiimad gaar ah leh, waalid kastana waxa uu jecel yahay in ilmihiisu marka uu waynaado ama qaan gaaro noqdo mid edab iyo akhlaaq leh, isla markaana u hana qaada sidii uu niyada ku hayey muddadii koritaankiisa uu ku guda jiray.

Caruurta agoonta ah ayaa la soo koobi karin farxada ka muuqatay markaan ugu tagnay xaruntooda, waxaan usheegnay maanta inaan eyaga la ciideyno waqtigeenanan la qaadanayno sidoo kale waxaan ku dhiiri galinay inay ka faa’iideystaan fursadaan ay hestaan waxbarashadana ku dadaalaaan.
Guul iyo Gobonimo