Gudomiye Kuxigenka Amniga iyo Siyaasadda G/banaadir Mudane Mohamed Abdulahi Tuulah

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka banaadir Mudane Mohamed Abdulahi Tuulah iyo Gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Benadir Mudane Cabdikafi maxamuud makaraan ayaa maanta soo xirey tababar muddo 3bilood ah socdey oona ku saabsanaa ( Soler technology and business development skills training with jop placement for 200 Youth in Mogadisho ).

Tababrkan ayaa lasiinayay dhalinyarada gobolka Benadir oo isugy jira rag iyo dumar, tababarkan ayaa lagu xoojinayay dhalinyarada si ay unoqdaan xirfadlayaaal awood uleh inay shaqo abuurtaan xirfadoodana ku shaqeystaan, tababarkan waxaa soo qaban qaabiyey xafiiska ururka dhalinyarada gobolka Benadir iyo maamulka gobolka banaadir,

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka banaadir Mudane Tuulax Iyo Gudomiye Makaraan ayaa maanta shahaado gudoonsiiyey dhamaan dhalinyaradii dhamaysatay tababarka kana soo gudubtay imtixaanka, dhalinyaradaan ayaa hada kadib ku shaqaysanaya xirfadooda,