Gudoomiye Kuxigenka Arimaha Bulshada G/Banaadir oo ka qeyb galay kulan isku xirka dhalinyarada G/Banaadir

Gudomiya kuxigenka Arimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir Imaan nuur igar & Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Maxamuud Makaraan ayaa ka qeyb galay Munaasabad heer sare loo soo agaasimay oo ah isku xirka 4 degmo ee ururka dhalinyarada degmoyinka gobolka banaadir

Degmooyinka Hodon & Howlwadag & Wabari & Xamar jajab ayaa kulankaan isugu yimid iyadoo ka soo qeyb galay  Agaasimaha Waaxda Nadafada C/casiis godax bare Gudomiyayasha 4 Degmo ee maamulka gobolka banaadir

Kulankaan ayaa diirada lagu saaray sidii ay isugu xirmi lahaayeen dhalinyarada gobolka Banaadir una midoobi lahaayeen ayaa waxaa ka hadlay gudoomiye Makaraan isagoo sheegay in ay tahay wax lagu farxo in dhalinyarada gobolka ay isku duubmaan gacmahana is qabsadaan.

Mudane Makaraan ayaa soo dhaweeyay talaabada horumarka leh ay sameeyeen dhalinyarada gobolka isagoo si weyn u soo dhaweeyay sheeqaynta iney sii wadi doonaan talaabada sidan oo kale ah.

Ugu danbeynti gudoomiye Makaraan ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed ineey gacmaha is qabsadaan meelkasto ay joogaan kana shaqeeyaan nabada iyo horumarinta dalka.

shahaado sharaf 3 shahaado sharaf 2 shahaado sharaf 1 Grabbed Frame 14 DSC04896 DSC04805 DSC04807 DSC04826 DSC04847 DSC04863 DSC04791 DSC04743 DSC04738