Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan………


Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa maanta ka qeyb galay kulan wacyi-gelin ah oo ay Wasaaradda Cadaaladda  u qabatey qeybaha kala duwan ee  Dhalinyarada iyo Ururada Bulshada ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa ka soo qeyb galayaasha la wadagay in aan  u baahan nahay inaan xoojinno wacyiga ay bulshadeennu u leedahay sharciga iyo hab-dhaqanka dowladnimada casriga ah, dhaqanna ay unoqoto u hogaansanaanta shuruucda dalka si dhameystiran, eyadoona siyaabo kala duwan bulshada inteeda kale ay qeyb ugu ahaato.