Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa Maanta daah-furey tababar aqoon kororsi ah……..

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa Maanta daah-furey tababar aqoon kororsi ah

oo ku saabsan (financial literacy) Aqoonta Maaliyadeed, taas oo ah awooda lagu fahmo oo si wax ku ool ah loogu isticmaalo xirfadaha Maaliyadeed ee kala duwan, kuwaas oo ay ku jiraan Maareynta Maaliyadeed ee shaqsi, Dejinta Miisaaniyadda iyo Maalgashiga.

Tababarkaan ayaa waxaaa ka faa’iideystay ku dhawaad 100 dhalinyaro ah oo ka kala timid dhamaan degmooyinka Gobolka banaadir, dhalinyarada tababarkaan qaadatay ayaa mahdiyay, eyagoona dalbadey in mar kale ay ka filayaan xafiiska dhalinyarada inay dib uqaataan tababaro noocaan oo kale.