Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa maanta usoo xiray dhamaan dhalinyarada ka faa’iideysatay

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa maanta usoo xiray dhamaan dhalinyarada ka faa’iideysatay oo  dhameystay tabaabaradii maalmahaan ka socday xarunta dhalinyarada gobolka Benadir ee #Mogadishu_one_stop_youth_center.

Tababarada uu Gudoomiyaha soo xiray ayaa waxaa ka mid ahaa

1- Barashada Xirfadda Hogaanka iyo Fagaaro ka hadalka.
2- Barashada Xirfadda Computer.ka
3- Awooda dhalinyarada ee arrimaha Nabadda.
4- Awood-siinta Dhalinyarada

Qaar ka mid ah dhalinyarada ka faa’iideysatay tababarkaan ayaa ugu mahad-celiyay maamulka dhalinyarada sida wanaagsan oo ay usiiyeen fursadaan,  Gudoomiyaha Dhalinyarda ayaa bogaadiyay dhalinyarada ka faa’iideysatay tababarkaan, wuxuuna ubalan qaaday in ay markasta ka faa’iideystaan.