Gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaa maanta Xarunta Horumarinta dhallinyarada Gobolka Banaadir

Gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaa maanta Xarunta Horumarinta dhallinyarada Gobolka Banaadir ee afka qalaadna loogu yaqaano ( Mogadishu one stop Youth center ) Ka daah-furey wajiga 2aad ee barashada Network marketing, shabakada suuqgeynta ama shaqo abuurka dhalinyarada gobolka Benadir iyo qaabka ay ku sameysan lahaayeen Shaqa abuur ama eyaga loogu Sameyn lahaa dhalinyarada.

Barnaamijkaan ayaa noqon doono mid dhalinyarada gobolka Benadir gaar ahaan kuwa hada fursada uhelay wajigiisa 2aad in lagu baro qaabkii ay ku abuuran lahayeen qeybaha kala duwan ee Ganacsiga Yar yar iyo midka dhexdhexaadka ah eyadoona ugu danbeyntii noqon doona mid weyn.