Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa Xarunta Dhalinyarada Gobolka Benadir ku soo xirey tababar ay ka faa’iideysanayeen

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa Xarunta Dhalinyarada Gobolka Benadir ku soo xirey tababar ay ka faa’iideysanayeen qaar ka mid ah dhalinyarada wax ka barata dugsiyada Gobolka banaadir, marti sharaf kala duwan oo ka soo qeyb gashay iyo Gudoomiyaha Dhalinyarada ayaa dhalinyarada tababarka ka faa’ideysaty gudoonsiiyay shahaadoyin cadeynaya qaadashada tababarka.


Tababarkaan oo usocdey dhalinyarada mudo 3 maalin ah ayuu Gudoomiyaha usoo xirey, Gudoomiye Makaraan ayaa dhalinyarada ku dhiirrigeliyay inay bulshada ugu faa’iideyaan cilmiga ay ka barteen inta uu tababarku socdey, eyagoona ku dabaqaya bulshada qeybaheeda kala duwan.