Gudoomiyaha Dhalinyarda Gobolka Banaadir Mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaa maanta soo gaba-gabeeyay Tababar usocday dhalinyaro kala duwan oo dhawaan………..

Gudoomiyaha Dhalinyarda Gobolka Banaadir Mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaa maanta soo gaba-gabeeyay Tababar usocday dhalinyaro kala duwan oo dhawaan ugu socday xarunta Horumarinta Dhalinyarada Gobolka Benadir,

tababarkaan oo socday mudo 3maalin ayaa waxaa ka faa’iideysatay qaar ka mid ah dhalinyarada Gobolka Benadir. Tababarkaan ayaa diirada lagu saaray ” Saameynta Mukhaadaraadka ay ku leeyihiin Waxbarashada dhalinyarada ” eyadoona dhalinyarada loo baahan yahay in ay ka feejignaadaan qataraha ka dhalan kara daawooyinkaas.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Dhalinyarda Gobolka Banaadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa Dhalinyarada Qeybaheeda kala duwan ugu dardaarmay in ay bulshada ku wacyi_galiyaan qataraha maandooriyaha uu leeyahay, sidoo kalena ay bulshada ula laaabtaan wax yaabihii ay ka soo barteen inta uu socday tababarka.