Gudoomiyaha dhalinyarda gobolka banaadir mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan iyo qaar ka mid ah gudoomiyaasha dhalinyarada degmooyinka oo booqasho wacyi-galin ah utagay kaamam ku yaala degmada deyniile

Gudoomiyaha dhalinyarda gobolka banaadir mudane cabdikafi maxamuud makaraan ayaa maanta booqasho ku tagay degmada deyniile, ujeedka socdaalka ayaa ahaa wacyi-galinta ololaha la dagaalanka caabuqa #Covid19, Gudoomiyaha ayaa booqdey goobaha dadka danta yar ay ku nool yihiin ee sida kaamamka, dhalinyarada gobolka Benadir ayaa ugu talagashay inay bulshada reer deyniile ku wacyi_galiyaan/gaarsiiyaan sidii looga hortagi lahaa iyo dadaalada loogu jiro caabuqan saameeyay wadama dunida. Waxay sidoo kale dhalinyarada sameysey waraaaqo ama istiikaris tilmaamaya habka looga hortagi karo iyo numberka la soo wici karo hadii ay wax iska dareemaan ama isku arkaan calaamadah.