Kallan lagu taageerayay Ansixinta Gollaha Wasiiradda ee Cusub ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Dhalinyarada gobolka Benadir.

Waxaa maanta xarunta Dhalinyarada Gobolka Benadir lagu qabtay kulan lagu taageerayay  Dhismaha iyo ansixinta golaha Wasiirada oo ugu dambeyn Xildhibaannada ay wadar oggol ku ansixiyeen, kullankaan  oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Gudoomiyaasha Dhalinyarada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah ururada dhalinyarada Bulshada Rayidka.

Ujeedka kullankaan oo ahaa in dhalinyarada Gobolka Banadir ay soo dhaweynayaan  dhismaha iyo ansixinta Xukumada cusub ee Gollaha Wasiiradda, Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir oo ka hadlay kullanka ayaa umahad-celiyay  Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre,  kaalintii ay ka qaateen dhismaha xukumada iyo in hogaanka dhalinyarada gaar ahaan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha ay u garteen in uu hogaamiye Wasiir dhalinyaro ah oo aqoon u leh arrimaha dhalinyarada Mudane Maxamed Barre Maxamuud.

Ugu danbeyntii, qaar ka mid ah Gudoomiyaasha Dhalinyarada Degmooyinka iyo Dhalinyarada kale ee ka soo qeyb galay kullanka ayaa umuujiyay garab istaag iyo taageero dowlada federaalka Soomaaliya, iyadoo diyaar u ah inay ula shaqeeyaan si wanaagsan oo ay ku jirto Dan Qaran.
#Soomali Heshiis ah Dunida Heshiis la ah.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee
Dhalinyarada Gobolka Benadir.
Number:-
+25261-7-389826
+25261-9-000059
E-mail:
media@brayouth.so
Makaran@brayouth.so
planning@brayouth.so
Twitter: https://twitter.com/MOSYC11?t=nVDpVTwrP7N1_0dvkEaRUw&s=08
Facebook: https://www.facebook.com/100064856643596/posts/327773726061180/
Website: https://brayouth.so/