Kulan dood cilmiyeed ah oo ka dhacay degmada Dharkeynley ee G/Benaadir.

Dood cilmyeedkan waxaa soo qabanqaabiyey dhalinyarada G/Benaadir, waxaana soo buux dhaafiyey dhalinyaro aad u fara badan oo ka kala timid afarta degmo ee galbeedka Muqdisho ee kala ah Dharkeynley oo ah martigeliyaha kulankan, Wadajir, Kaxda iyo Deyniile.

Dood cilmiyeedkan waxaa kasoo qeybgalay guddoomiyaha degmada Dharkeynley Md C/raxmaan Siid cali xuseen, guddoomiyaha dhalinyarada G/Benaadir Md C/kaafi Maxamuud Makaraan iyo dhalinyaradiisa heer gobol, iyo guddoomiayayaasha dhalinyarada afartaas degmo.

Ugu horreyn, waxaa dood cilmiyeedka furay guddoomiyaha dhalinyarada G/Benaadir Md C/kaafi maxamuud makaraan oo dhalinyarada kusoo dhaweeyay dood cilmiyeedka, wuxuuna ka dhawaajiyey in barnaamijkan loo qaban doono dhalinyarada ku nool gobolkan Banaadir.

G/dhalinyarada G/Benaadir Md C/kaafi Maxamuud Makaraan ayaa hadalkiisa kusii daray in dhibaatada ugu badan uu ku dhaco dhalinyarada loona baahanyahay in dhalinyadu u istaagaan amniga iyo horumarka dalka, sidoo kale wuxuu sheegay dhalinyarada maanta kulankan fadhisa inuu ka imaanayo maslaxaddii dalka lagu hagaajin lahaa, wuxuuna ku dhiirigeliyey iney lagama maarmaan tahay in ay wadashaqeeyaan dhalinyarada iyo hey’adaha amniga.

Guddoomiye Makaraan ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhalinyarada iney iska dhaafaan tahriibka ayna ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka heysta manta.
G/degmada Dharkeynley Md C/raxmaan Siid cali xuseen ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu martigeliyo kulankan uuna dhalinyarada gacan ka siinayo iney u adeegaan dalkooda iyo dadkooda.

Ugu dambeyn dood cilmiyeedkan waxaa kooxo loo sameeyay dhalinyaradii kasoo qeybgashay waxaana la weydiiyey su’aalaad dhalinyarada ku saabsan waxaana kasoo baxay jawaabo xal u noqon kara dhibaatooyinka dhalinyarada heyta maanta.