kulan isbarasho iyo soo dhaweyn Gudomiyaha Gobolka Banadir mudane thabit

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed oo Galabta Xaflad So Dhaweyn ah Loogu Sameeyay Xarunta Dhalinyarada Gobolka Banaadir.
Xafladaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano Ka Tirsan Barlamanka Soomaaliya,Gudoomiyaha Gobolka iyo Xubno kale.
Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir C/Kaafi Maxamuud Makaran ayaa sheegay in Dhalinyarada ay garab taaganyihiin Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalad lana Shaqeynayaan.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimadda Muqdisho oo qudbad ka jeediyay xaflada ayaa sheegay in Dhalinyaradu tahay laf dhabarta Dalka loona Abuuri doono Xirfado ay ku shaqeystaan.