Kulan lagu taageerayo Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid oo xalay ka dhacday Muqdisho + Sawirro

Magaalada Muqdisho waxaa markii ugu horeysay xalay ka dhacay kulan ballaaran oo lagu taageerayo Ra’iisal Wasaaraha cusub Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, kulankaasi oo uu soo abaabulay maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka soo qeyb galay madax ka tirsan Dowladda Federaalka, ururrada dhallinyarada G/Banaadir, ururka Haweenka Qaranka, marti sharaf iyo shaqsiyaad horay xilal uga soo qabtay dalka.

Prof. Cali Maxamed Geedi oo horay u soo qabtay xilka Ra’iisal Wasaaraha ayaa kulanka ka jeediyay khudbad uu uga hadlay magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub, wuxuuna ku booriyay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid inuu muujiyo dulqaad.

“Hambalyo ayaan leeyahay Ra’iisal Wasaaraha cusub oo aan aaminsanahay inuu yahay mas’uul karti iyo dulqaad badan” ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geedi oo ugu baaqay madaxda iyo saraakiisha hay’adaha kale ee Dowladda Federaalka inay la shaqeeyaan Ra’iisal Wasaaraha cusub.

Kulanka lagu taageerayo Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid ee xalay ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee degmada Shangaani waxaa kale oo ka hadashay K/Xigeenka Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi, waxayna ugu baaqday shacbiga Soomaaliyeed inay garab istaagaan xukuumadda cusub ee uu soo magacaabayo Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid.

“Waxaan halkaan uga mahad celinayaa dhammaanba madaxda sare ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan Ra’iisal Wasaarihii hore iyo Ra’iisal Wasaaraha cusub sida ay u soo afjareen khilaafkii Dowladda” ayay tiri Canab Xasan Cilmi oo sheegtay in tallaabada wanaagsan ay astaan u tahay in Soomaaliya ka gudubtay is qabqabsiga.

Dhinaca kale waxaa munaasabadaasi ka hadlay Xildhibaano, madax iyo saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo ballanqaaday inay la shaqeynayaan Ra’iisal Wasaaraha cusub iyo xukuumadda uu soo dhisayo, waxayna ugu baaqeen madaxda sare ee dalka inay iyana dhexda u xirtaa sidii ay dalka u gaarsiin lahaayeen sanadka 2016-ka doorasho xor ah.

1 (1) 1 (2) 1 (3) 1 (4) 1 (5) 1 (6) 1 (7) 1 (8) 1 (9)