Kulan ballaaran oo looga hadlayay sida lagu xoojin karo dhalinyarada ku dhaqan gobolada dalka, gaar ahaan degmooyinka laga saaray Al-Shabaab ayaa maanta lagu qabtay degmada H/wadaag, iyadoo kulankan ay ka qeyb galeen Ururada dhalinyarada degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Wada Hadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa khudbado ka jeediyay Gudoomiyaha degmada H/wadaag iyo Gudoomiyeyaasha dhalinyarada degmooyinka Gobolka Banaadir.
Maxamed Abuukar Jacfar Gudoomiyaha degmada H/wadaag ayaa sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay inay nabada ka shaqeeyaan, iskuna xirnaadaan, waxaana uu xusay in sida kaliya ee la isaga kaashan karo ciribtirka Al-Shabaab ay tahay in la sameeyo iskaashi iyo wacyi gelin.
“Hay’adda CCD waxaan uga mahad celinayaa qabanqaabada kulamada noocaan oo kale ah oo la isugu keenayo dhallinyarada si ay uga tashadaan aayahooda” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Howlwadaag oo sheegay in muhiimada ay kulamadani u leeyihiin dhallinyarada ay tahay xoojinta nabad ka dhacda guud ahaan dalka oo dhan.

Guddoomiye Jacfar ayaa ku booriyay dhallinyarada ka qeyb galay kulankaasi inay ka faa’iideystaan waxyaabaha ay ka kororsadaan kulankan, isagoo sheegay inay ku dhaqaaqaan go’aanada ka soo baxa kulanka oo aanay meesha uga tegin.
“Wiilka cida ku soo kordhay ee ku cusub xaafadda waa inaan la dhihin waa wiilkii reer hebel, ogaada wiilkaasi inuu yahay kan fidnada wada waana in la qabto ama lagu wargeliyo ciidamada nabadgelyada” ayuu yiri Guddoomiye Jacfar.
Dhinaca kale waxa uu sheegay Guddoomiyaha degmada H/wadaag in shacabka Soomaaliyeed ay maanta damiir xumo ku tahay inay ka aamusaan wiil yar oo meel gelinaya miino ama bambo loo soo dhiibay, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska kaashadaan sidii looga hortegi lahaa cid kasta oo dooneysa falal amni darro.
Kulanka maanta ka dhacay degmada H/wadaag ayaa waxaa sidoo kale khudbado kala duwan ka jeediyay guddoomiyeyaasha dhallinyarada degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasi oo iyaguna ka hadlay aragtidooda ku aadan wacyi gelinta dhallinyarada degan goobaha laga saaray Al-Shabaab, in dhallinyaradaasi aqoontooda la kordhiyo iyo qodobo kale oo lagu daryeelayo dhallinyaradaasi.
Guddoomiyaha dhallinyarada degmada Warta Nabadda Maxamed Axmed ayaa sheegay in dhallinyarada loo sameeyo guddi ka shaqeeya midnimadooda iyo wada shaqeyntooda, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay muhiim u tahay iskaashi dhex mara dhallinyarada nabadda iyo horumarka dalka.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha dhallinyarada degmada Dayniile Cali Xasan ayaa ugu baaqay dhallinyarada degan goobaha laga saaray Al-Shabaab iyo kuwii isaga soo baxayba inay ogaadaan wixii dhibaatooyin ahaa ee ay ku soo arkeen, loogana baahan yahay inay dadkooda iyo dalkooda dib ugu soo laabtaan.
Guddoomiyaha Dhallinyarada Degmada Kaaraan C/Kaafi Maxamed Makaraan ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka shaqeeyaan sidii ay u garab istaagi lahaayeen dhallinyarada isaga soo baxeysa ururka Al-Shabaab, wuxuuna u ballanqaaday dhallinyarada diyaarka u ah inay ka baxaan kooxda Al-Shabaab inay la garab taagan yihiin taageero hiil iyo hooba leh.
Afhayeenka ururka Dhallinyarada Gobolka Banaadir ahna Guddoomiyaha dhallinyarada deg. Waaberi Xasan Sh. Cabdi (Codey) ayaa si faah faahsan uga hadlay baahida ay qabaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee qaarkood loogu marin habaabinayo in loo adeegsado qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.
Waxa uu ku taliyay in dhallinyarada marka hore ay helaan xarun ay wax ku bartaan isla markaana la baro cilmiga iyo aqoonta guud si ay mustaqbalkooda u dhisaan isla markaana uga haraan wax kasta oo u keeni kara sumcad xumo ama sharaftooda hoos u dhigaya.
Ugu dambeyn ka qeyb galayaashii kulankan ayaa soo jeediyay in la joogteeyo kulamada iyo wacyi gelinta dhalinyarada, lana xoojiyo, maadaama dhalinyaradu yihiin mustaqbalka dalka.