Kulan wadatashi dhalinyarada jamacadaha

Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Cumar C.risaaq ayaa kulan maanta la qaatay Gudoomiyeyaasha ardayda 23 Jaamacadood oo ku yaal Magaalada Muqdisho.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa dhiiragelinta ardayda waxbaratay iyo ka warqabka masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa waxaa soo qaban qabiyay Xafiiska Dhalinyarada Gobolka Benaadir

Xoghayaha Gobolka Banaadir Cumar C/risaaq ayaa kula dardaarmay dhalinyarada Gudoomiyeyaasha Jaamacadaha inay yeeshaan urur ay ku mideysan yihiin si ay isaga war haayaan.

“Waxaan maanta kulan wadatashi ah la yeeshay guddoomiyayaasha ardayda 23 jaamacadood oo ka mid ah jaamacadaha ku yaalla gobolka Banaadir. Muhiimada wadatashigeena ayaa ahaa sidii ardayda Jaamacadaha gobolka la iskugu xiri lahaa una yeellan lahayeen hal urur oo ay ku mideysan yihiin. Dhallinyarada ayaa ah laf dhabarta bulshadeena.”Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Cumar C/ risaaq ayaa ugu dambeyn sheegay inay joogteyn doonaan kulamada noocaan oo kale ah oo ay la qaadanayaan dhalinyarada jaamacadaha dalka ku yaal wax ka barata.

Masuuliyiinta Gobolka Banaadir oo ah rag dhalinyaro ah ayaa ahmiyad gaar ah siinaya xilligaan dhalinyarada ku nool Muqdisho ka warqabkooda.