Kulanka wadatashiga Dhalinyarada Gobolka Benaadir iyo Dhalinayarada Qaranka Somaliyed

Kulanka Wada tashiga Dhalinyarada Gobolka Banaadir iyo Golaha Dhalinyarada Qaranka ayaa maanta lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee xamar Kulankaan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha iyo Maamulka Gobolka Banaadir

Kulankaan ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa Sheegay in ay Dhalinyarada Gobolka Banaadir ay yihiin Dhalinyaro Dowladnimada Jacel kana Shaqeeyaan isdhaxgalka Bulshada Sidoo Kale Waxaa Xaflada Ka Hadlay Gudoomiyaha Dhalinyarada Qaranka Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada mudane Mohamed Ahmed Cantoobo Ayaa dhalinyarada kula dardaarmay in ay ka shaqeyaan horumarinta dalka iyo dadka

Ugu danbeen Waxaa Xaflada Soo Xiray Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Mawo Khadiija Maxamed Diiriye oo Dhalinyarada ka Codsatay in ay Wadankooda Wax u Qabtaan Madaama dhalinyaradu tahay Laf dhabarta Dalka.