Maalinta Dhalinyarada Aduunka oo maanta laga xusay Muqdisho + Sawirro

Munaasabad lagu xusayay Maalinta Dhalinyarada Aduunka ee 12-Agosto ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo Munaasabadan ay ka qeyb galeen Gudoomiyeyaasha dhalinyarada 17-ka degmo, Fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Wada hadalka bulshada ee CCD ayaa wadatay halku dhiga ah in dhalinyarada ka qeyb qaadanaya hurinta colaadaha la dhiira geliyo sidii ay uga soo baxaan, una helaan mustaqbal wanaagsan.

Ugu horeyn waxaa munaasabada suugaan ku daah furay Kooxda Wadajir Band oo soo bandhigay suugaan ka hadleysay doorka dhalinyarada kaga aadan bad-baadinta dalka iyo Dadka, taasoo ay aad  ugu riyaaqeen   ka soo qeyb galayaasha munaasabada.

Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub oo ka hadlay munaasabada ayaa ugu hambalyeeyay dhalinyarada Xuska  maalinta dhalinyarada aduunka, waxaana uu ku guubaabiyay dhalinyarada inay dalkooda u halgamaan.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ka qeyb galo munaasabadan, anigoo og dareenka ay dhalinyarada leeyihiin, waxaa ugu baaqayaa dhalinyarada inay dalkooda u halgamaan, dalka wax bedeli kara waa dhalinyarada”ayuu yiri Abwaan Sangub oo tix gabay ah  ka jeediyay munaasabada oo uu ku dhiiri gelinayay dhalinyarada.

Abwaanka ayaa   Hey’adda CCD uga mahadceliyay taageerada balaaran ee mar walba ay la garabtaagantahay dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka dhalinyarada degmada C/casiis Mubaarak Sheekh Ibraahim Cali oo sheegay in sida kaliya ee dhalinyarada lagu jiheyn karo ay tahay in fursado shaqo la siiyo, waxbarasho iyo aqoontooda cilmiga maadiga iyo diinta la kordhiyo si aanan loogu adeegsan marin habaabinta iyo fikradaha qaldan.

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir C/kaafi Maxamuud Makaraan ayaa sheegay inuu ugu hambalyeynayo dhalinyarada aduunka maalintan taariikhiga ah ee 12-Agosto, waxaana uu ugu baaqay dhalinyarada loo adeegsanayo fikradaha qaldan iyo hurinta colaadaha inay ka soo baxaan oo ay dhalinyarada aasaagooda ee nabada jecel ka mid noqdaan.

“Maanta waa maalin farxad badan, maalmaha kale waa nooga qiima badan tahay waa maalinta dhalinyadada aduunka, waxaa fariin u dirayaa dhalinyarada fikradaha qaldan ee lagu marin habaabiyay Al-Shabaab ka mid ah, waxaa muhiim ah inay isaga soo baxaan oo ay ku soo laabtaan bulshadooda, waxaad helaysaan waxbarasho, caafimaad, amni iyo  inaan cadaw laydiin  arkeyn, waxaan heleysaan xaqooq dheeraad ah”ayuu yiri Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir.

Waxaa kaloo munaasabada ka hadlay Gudoomiyaasha dhalinyarada degmooyinka Wadajir iyo Boondheere C/kariin Caddow Mocow iyo Cali Xuseen Caduur kuwaasoo  sheegay in loo baahanyahay in  dhalinyarada  maanta la bad-baadiyo, si aan loogu adeegsan hurinta colaadaha, is qarxinta iyo dagaalada.

Dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab ayay ugu baaqeen  inay isaga soo baxaan oo ay ka faa’ideystaan fursadaha dowladda siisay ee cafiska ah.

Gudoomiyaha qeybta Haweenka ee Hey’adda CCD Sahro ayaa ugu hambalyeysay dhalinyarada Soomaaliyeed maalinta 12-ka Agosto, iyadoo  ugu baaqday dhalinyarada inay nabada ka shaqeeyaan, gaar ahaan waxaa ay fariin u dirtay hooyada iyo aabaha dhalay wiilasha ka qeyb qaata falalka amni daro.

Gudoomiyaha qeybta Haweenka ee Hey’adda CCD Sahro ayaa ugu hambalyeysay dhalinyarada Soomaaliyeed maalinta 12-ka Agosto, iyadoo  ugu baaqday dhalinyarada inay nabada ka shaqeeyaan, gaar ahaan waxaa ay fariin u dirtay hooyada iyo aabaha dhalay wiilasha ka qeyb qaata falalka amni daro.

Ugu dambeyn ka qeyb galayaasha munaasabadan ayaa is weydaarsaday fikrado iyo talooyin la xiriiray sida dhalinyarada loogu dhiiri gelin karo inay kasoo baxaan Al-shabaab.

DSC09712 DSC09717 DSC09718 DSC09738 DSC09751 DSC09751-618x463 DSC09755 DSC09757 DSC09766 DSC09768 DSC09773 DSC09774 DSC09775 DSC09811 DSC09821 DSC09828 DSC09837 DSC09846 DSC09849 DSC09857 DSC09861 DSC09864 DSC09866 DSC09874 DSC09898 DSC09940