Maalinta Dhalinyarada ee Caalamiga ee ku asteeysan 12 Aug, 2015

IMG_1912Ururka dhalinyarada gobalka Banaadir oo soo qaban qaabiyay munaasabada lagu xusayay maalinta dhalinyarada Aduunka ayaa waxaa lagu qabtay aqalka dowladda hoose ee Xamar iyadoo uu ka soo qeyb galay ku simaha gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada ee gobalka banaadir, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, guddoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Fanaaniin iyo qeybaha kale duwan ee bulshada,

Howlka ay munaasabada ka socotay ayaa waxaa isugu yimid dhalinyaro badan oo ka qeyb qaadaneysay xuska maalinta dhalinyarada caalamka iyadoo goobta lagu soo bandhigay suugan ka hadleysa Wadaniyada.

Guddoomiyaha ururka dhalinyarada gobalka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Dhalinyarada Soomaliyed ay haatan Door muuqda ka qaadanayan Nabada iyo dib u dhiska dalka.

Ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyada ee gobolka Ismaaciil Macalin Cabdi Guure oo soo xiray munaasada ayaa Waxa uu sheegay in %65 Dadkeyna Soomaaliyeed ay dhalinyara yihiin dhalinyaradana looga baahan yahay in si wadajir ah ay markale ay u muujiyaan doorki lagu yaqiinay.

12 bisha Agosto sanadkasta waxaa caalamka laga xusaa maalinta dhalinyarada aduunka dhalinyarada Soomaliyed ayaa door muuqda oo aan la ilaabi Karin ka geystay Xurnimada Dalka iyo dadka Soomaliyed oo lagu xasuusto 13kii dhalinyaro ee SYL oo aas aaskodu waqti kale oo gaar ah la xuso sanad kaste.

image

image

image

image

image

image

image