Munaasabada dhalinyarada ee u mahadcelinta Hogaanka suuban ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Somalia Mudane Farmaajo ayaa….

Dhalinyarada gobolka Benadir ayaa xaflad si heer sare loo agaasimey ku qabatay xarunta horumarinta dhalinyarada gobolka Benadir. #mogadishu_one_stop_youth_center ee degmada shangani, Munaasabada xaflada ayaa waxa ay ku saabsaneyd Mahadnaqa Hogaanka suuban ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaliya mudane maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo matalaada maqaamka gobolka banaadir.

Munaasadaan waxaa soo agaasimey dhalinyarada gobolka banaadi, waxaana ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee dhalinyarada, qaar ka mid ah gudoomiyaasha degmooyinka gobolka banaadir, qaar ka mid ah xildhibaanada federalka iyo Gudoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka banaadir mudane Cumar cabdi cali