Munaasada si wanagsan loo soo agaasimey oo ay ka soo qeyb galeen madax aad ubadan ayaa ka dhacdey xarunta…….

Waxaa xarunta dhalinyarada gobolka benadir ee #mogadishu_one_stop_youth_center lagu qabtay xuska maalinta dhalinyarada aduunka ( international youth anniversary day 2020) oo ay ka soo qeyb galeen dad badan oo kala duwan oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada moqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud Cumar Filish, Agaasimaha hey’ada socdaalka iyo jinsiyada, wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada, qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka federal.ka somaliya, gudoomiye ku xigeenada maamulka gobolka banaadir, gudoomiyaasha degmooyinka , Gudoomiyaha dhalinyarda maamul gobleedka jubaland, ururada dhalinyarada gobolka, ururada madaxa banaan iyo fanaaniin kala duwan.

Munaaasada xafladaan ayaa aheyd mid si weyn loo soo agaasimey oo ay dhalinyarada ugu dabaaal dagayeen xuska maalinta dhalinyarada aduunka, eyagoona jooga xarunta dhalinyarada gobolka Benadir ee #Mogadishu_one_stop_youth_center, madaxdii ka soo qeyb gashey munaasabadaan ayaa dhalinyarada Soaaliyeed ugu hambalyeey maaalintaaan.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada moqdisho mudane Cumar Filish oo ka hadlay goobta ayaa dhalinyarada ugu baaqey inay sii xoojiyaan midnimadooda, shaqooyinkooda iyo wax walba oo quseeya in lagu hormariyo Gobolka Banaadir

#Munaasabadda_maalinka_dhalinyarada_aduunka
#international_Youth_anniversary_Day