Musharax Xilibaan Barlamaanka Somalia Mudane Abdikaafi Mohamud Makaraan

Musharax Xilibaan Barlamaanka Somalia Mudane Abdikaafi Mohamud Makaraan
Rug Cadaa In Mudaha Ku Soo Dhex Jiray Siyaasada Somalia.

Musharax Xilibaan Abdikaafi Mohamud Makaraan waxuu Guddoonka Golaha ku soo kordhinayaa khibrada ballaaran ee uu uleeyahay hanaanka hawlaha baarlamaanka, khibrada sharcidejinta, iyo ku ilaalinta xukuumada inay dhowrto shuruucda barlamaanka meel mariyo.

Waxaa uu bili doonaa hoggaaminta arrimaha khuseeya dimuqraadiyadda, maamulka, iyo xalinta khilaafyada.

Haddii uu ku guuleysto Musharax Xilibaan Abdikaafi Mohamud Makaraan wuxuu xaqiijin doonaa:

In uu si dhex-dhexaadnimo iyo eex la’aan ah ku shaqeeyo, dhowro kala dambeynta, difaaco xuquuqda iyo mudnaanta mudanayaasha baarlamaanka ay leeyihiin oo ay ugu horeyso xuriyatul qawlka, iyo kala duwanaanshaha figrada la kala aaminsan yahay.

Waxa uu ku dadaali doonaa in dastuurka KMG ah ee Soomaaliya uu maro hannaanka dib u eegista dastuurka, isagoo taageero ka helaya xildhibaanada kalena la dhameystiri doonaan.

Musharax Xilibaan Abdikaafi Mohamud Makaraan Waxaa ka go’an ilaalinta iyo hubinta in dhamaan qeybaha bulshada ay ka kooban tahay – qaasatan Haweenka, Dhalinyarada iyo dadka baahiyaha gaar ka ah qaba – ay helaan fursado loo dhan yahay oo la xiriira arrimaha Xuquuqul Insaanka.

Ugu dambeyn, Wuxuu ku dadaali doonaa Asaga oo gudanaya waajibaadka baarlamaanka loo aas aasay oo ah in uu ka shaqeeyo dejinta sharciyo wax ku ool u ah dalka, taabo gelinta kuwii horey u jiray, iyo joogteynta ku kormeerida laanta fulinta si loo hubiyo looguna illaaliyo ka Shaqeynta Baahiyaha Bulshada.

Musharax Xilibaan Abdikaafi Mohamud Makaraan codkaada ugu hiili aqoonyahan rug cadaa ah.