Muxuu yahay socdaalka Gudoomiyaha Dhalinyarada gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan uu ku tagay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka banaadir

Gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Benadir mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaa ku booqdey degmooyinka kala ah Yaaqshiid , Shangaani, C/caziiz, Bondheere iyo deegaanka Garisballey, eyadoona laga fulinayo diiwaangalinta xogta dhalinyarada degmooyinka gobolka banaadir, Si loogu faa’iideeyo fursadaha shaqo ee soo baxa oo ku aadan dhalinyarada waxbaratay, gaar ahaan kobcinta xirfadaha dhalinyarada iyo shaqo abuurka.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha dhalinyarda gobolka banaadir mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan ayaa dhalinyarada ugu baaqey inay xoojiyaan oo ay sii wadaaan waxbarashadooda. Waxa uuna ku dhiirigaliyay inay ka faa’iideysan doonaan fursadaha shaqo ee ka jira xarunta dhalinyarada gobolka Benadir ayna mar walba ku xirnaadaan howlaha activity ee xarunta.