Qaabka loo dhisay xarunta dhalinyarada gobolka  banadir ee Mogadishu One Stop Youth Centre 

Gobolka Banadir waxaa ku nool 2.5 million oo ruux, gobolka Banaadir waa caasimada 1aad ee Soomaaliya, waxaa gobolka Banadir ku nool dhalinayro aad ubadan kuwaas oo ku kala nool degmooyinka gobolka Banaadir. Xarunta dhalinyarada  Gobolka Banaadir ee Mogadisho One Stop Youth Centre  waxa ay ku taalaa gobolka Banaadir waanna xarun dhalinyaro oo ay lee yihiin dhalinyarada gobolka Banaadir,  xaruntaan waxaa inta badan lagu dhisay qaab isxilqaan ah oo ay ku dhiseen dhalinyarada degmooyinka gobolka Banaadir,  xaruntaan asalkeeda waxaa dhismaheeda bilaabay UNHABITAT Somalia oo si wanaagsan udhisay iyo maamulka gobolka Banaadir ( Mogadishu  Municipality)

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka  Banadaar Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa kulan wadatashi ah isugu yeeray dhamaan gudoomiyaasha dhalinyarada degmooyinka gobolka Banaadir, kulankaas ayaa ujeedadiisa ahaa in laga tashado dhismaha wareega derbiga xarunta dhalinyarada gobolka Banadir iyo qaabkii ay dhalinyarada ku dhisi lahaayeen.

Gudoomiyaasha dhalinyarada degmooyinka gobolka Banadir eyagoo tixgalinaya, gudanayana waajibaadka dhalinyanimo ayaa waxay isku xilqaameen inay dhisaan wareega derbiga ee xarunta dhalinyarada gobolka Banaadir, waxay kaloo qorsheeyeen inay ka qeyb qaataan ololaha bilic soo celinta xarunta dhalinyarada gobolka banaadir ee Mogadishu One Stop Youth Centre.

Dhalinyarada degmada Shangani ayaa bilaabay ololaha isxilqaan ee lagu dhisayey wareega derbiga ee xarunta dhalinyarada gobolka Banaadir, eyagoona xarunta ugu deeqay agabka dhismaha sida , Shamiindo iyo Bulkeeti. Kadib isku deygii iyo bilaabidii ay bilaabeen dhalinyarada degmada Shanagi waxa ay hormuud unoqdeen inay tusaale buuxda unoqdeen dhalinyrada degmooyinka kale ee gobolka Banaadir.

Dhalinyarada degmooyinka ayaa waxay isku xilqaameen inay degmo walba xarunta dhalinyarada ee Mogadishu one stop youth centre ugu deeqaan dhamaan agabkii dhismaha oo dhamaystiran.  Dhamaan degmnooyinkii kale ee gobolka banadir ayaa waxay qeyb muhiib ah ka qaateen inay soo dhamaystiraan agabkii loo baahnaa.

 

 

Kadib markii la helay qalabkii lagu dhisaye xarunta dhalinyarada ee Mogadishu One Stop Youth Centre, dhalinyarada degmooyinka ayaa udiyaar garoobay inay ku kaabaan dhismaha xarunta xoogooda iyo caqligooda si ay ugu qeyb qaataan dhismaha wareega derbiga ee xarunta dhalinyarada gobolka Banaadir, dhalinyarada ayaa doorkooda ka qaatey dhismaha xarunta dhalinyarada, waxayna ugu qeyb qaateen 2nooc oo kala ah inay xoogooda ku darsadaan xarunta iyo inay ugu deeqeen qalab dhismo oo ay xarunta ubaahmneed oo dhamaystiran.

Kadib iskaashigii iyo isu tagii dhalinyarada gobolka Banaadir waxaa soo baxdey in xarunta dhalinyarada meel wacan looga soo wada jeestay. Dhalinyarada gobolka Banaadir markii ay dhameeyeen dhismaha xarunta waxa ay bilaabeen ololo nadaafadeed oo ay ka fulinyaan xarunta dhalinyarada si ay usoo celiyaan bilicda iyo quruxda xarunta dhalinyarada gobolka banaadir.

Ugu danbeyn xarunta dhalinyarada ayaa ah hada xarun si fiican udhisan oo ay dhalinyarada gobolka bnaadir ku shaqeysanayaan, xaruntaan waxaa loogu adeegaa dhalinyarada gobolka banaadir.  Xaruntaan ayaa ah xaruntii ugu horeysay oo nooceeda ah oo laga dhisay guud ahaan geyiga Soomaalida, dhismaha xaruntaan waxaan ugu mahad-celinaynaa gudoomiyaha dhalinyarada gobolka banaadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan. “ Ha noqon dhinte aan la tabin”