Qorshaha Doorashooyinka Qaranka iyo dhalinyarada gobolka Banaadir oo…….

Gobolka Waxaa xarunta dhalinyarada gobolka Benadir ee #Mogadishu_one_stop_youth_center maanta lagu qabtay tababar muhiim ah oo looga hadlayay Doorashooyinka qaranka (National Election), Tababarkaan oo cinwaankiisu ahaa Doorashooyinka qaranka iyo kobcinta fahamka dhalinyarada ee doorasho qof iyo cod oo ay ka faa’iideysteen dhalinyaro aad ubadan. ( Meaning of one man and one vote)

Tababarkaan oo lagu qabtay xarunta dhalinyarada gobolka banaadir ayaa waxaa ka bixinayay oo iska kaashadey howl wadeenada waaxda Siyaasadda iyo dimuqraadiyada ee maamulka gobolka Banaadir iyo xafiiska dhalinyarada gobolka banaadir, waxaana ka faa’iideystay dhalinyarada gobolka qeybaheeda kala duwan oo isugu jirey gabdho iyo wiilal, kuwaa oo ka kala yimaadey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka banaadir.

Ugu danbeyntii tabaabrkaan oo ay iska kaashadeen howl wadeenada waaxda siyaasada maamulka gobolka banaadir iyo xafiiska dhalinyarada ayaa waxaa daah-furey Gudoomiyaha dhalinyarda gobolka banaadir mudane Cabdikafi Maxamuud makaraan