Soo dhaweynta Guddomiya Cusub ee Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magalada Muqdisho

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa ka Maanta lagu soo dhaweyay magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Xildhibaano ka tirsan labada Gole Xoghayaha Guud Gobolka Banaadir, Gudomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir,Guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasoo diyaar u ah inay soo dhoweeyaan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Taabid Cabdi Macalin.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Macalin ayaa waqti dhow ku soo fool leh Muqdisho,isagoo ka soo ambabaxaya magaalada Nairobi oo uu gaaray laba cisho kahor.

Guddoomiyaha cusub ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socoda uu xilka kala wareego Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, kaasoo xilka laga qaaday.