tababar kor loogu qaadayay awooda Ururada ay hogaaminayaan dhalinyarada ee

Gudoomiyaha Dhalinyarda Gobolka Banaadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa maanta soo xiray tababar aad muhiim ugu ahaa qaar ka mid ah  Dhalinyarada Gobolka Banadir, tababarkaan ayaa waxaa ka faa’iideysatay dhalinyaro aqoonyahan ah oo ka kala timid qeybaha kala duwan ee gobolka banaadir.


Ugu danbeyntii  Gudoomiyaha Dhalinyarada ayaa ugu dardaarmay dhalinyarada ka qeyb qaadanaysay tababarkaan oo kor loogu qaadayay awooda Ururada ay hogaaminayaan dhalinyarada ee ka jira gudaha caasimada oo socday mudo 2maalin ah.