tababar ku saabsan Awooda ay dhalinyarada Soomaaliyeed u leeyihiin in ay si nabad

Xarunta Dhalinyarada ee Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay tababar ku saabsan Awooda ay dhalinyarada Soomaaliyeed u leeyihiin in ay si nabad ah uga doodaan mowduucyada xasaasiga ah ee Soomaaliya.


Tababarkan ayaa waxa ay dhalinyarada ku barteen farsamooyinka doodaha wax ku oolka ah, fekerka muhiimka ah, sida loo qaabeeyo doodaha iyo sida loo kobciyo kalsoonida dhalinyarada si ay ula wadaagaan fikradahooda bulshooyinkooda

Ugu danbeyntii, Ururka Dhalinyarada G/Banaadir & Machadka Hiraal ayaa iska kaashaday hirgelinta tababarkan.