Tababarka barashada Gargaarka Degdega ( Emergency First Aid)

Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benadir Mudane Cabdikafi Maxamuud Makaraan ayaa furay Tababar lagu qabtay xarunta Dhalinyarada Gobolka Benadir oo cinwaankiisu ahaa Barashada Gargaarka Degdega ( Emergency First Aid ).

Tababarkaan ayaa waxaa ka faa’iideysatay dhalinyaro kala duwan oo ka kala yimid dhamaan degmooyinka Gobolka banaadir, sidoo kale waxay isugu jireeen kuwo wax ka barta jaamacadaha kala duwan ee dalka,

Marka uu dhamaado tababarkaan, dhamaan dhalinyarada ka qeyb galayaasha ayaa heli doona shahaado caadeenaysa cilmigii ay barteen, sidoo kale practical dhameystiran oo ku saabsan tabaabarka caafimaadka.