Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Ururada Dhalinyarada maamul Goboleedyada

Ururka Dahlinyarada Gobolka Banaadir ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay ururada dhalinyaro ee ka dhisan Maamul goboleedyada dalkaa dalka sida Puntland, Jubaland, Koofur Galbeed.Hiiraan

Shirkan ayaa ka danbeeyay kadib markii Ururada dhalinyarada ay ka wada qeyb galeen kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa dib u eegista dastuurka iyo doorka bulshada rayidka ah ay ku leedahay baahinta dastuurka oo ka dhacay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddomiyaha Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir C/kaafi Maxamuud Makaraan ayaa sheegay in ujeedada shirka ay aheyd is-barasho, kala warqaadasho xaaladaha dhalinyarada ee dalka iyo isdhaafsiga khibradaha la xiriira sidii loo hormarin lahaa dhalinyarada soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Ururada dhalinyarada Gobolka Banaadir ayaa shirka ka dib la hadalay saxaafadda iyagoo sheegay in ay isku raaceen qodobo saddex ah oo kala ah:-
1.In ururada dhalinyarada ee maamulada dalka ay sameeyaan booqashooyin lagu kala bixinayo maamulada dalka ee kala duwan si loo adkeeyo wadajirka iyo midnimada.
2.In dhalinyarada maamul goboleedyada dalka laga tixgaliyo samaynta siyaasad dhalinyaro ee Qaran iyagoo la dhagaysanayo codkooda ku aadan baahiyahooda iyo horumaradooda
3.In la qabto shirweyne qaran oo ay isugu yimaadaan Dhalinyarada maamulada Gobolada wadanka si ay ugu hadlaan masiirka siyaasadeed ee dhalinyarada

Shirkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah iyadoo dhalinyarada Soomaaliyeed ay heystaan dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid tahay wax barsho la’aan, fursado shaqo oo aan jirin iyo xirfadaha asaasiga ah oo aysan inta badan helin iyadoo aysan jirin siyaasada Dhalinyaro ee heer Qaran taasoo hagta mustaqbalka horumarineed ee Dhalinyarada soomaaliyeed.