Ururka dhalinyarada gobolka Banaadir +SAWIRO

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay Shirka Dhalinyarada 17-ka degmo ee gobolka Banadir kaas oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan qeybaha kala duwan dhalinyarada ku nool guud ahaan magaalada Muqdisho.
Kulankaan ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha dhalinyarada maamulka gobolka Banaadir Md Abdikafi Mohamuud Makaraan waxaana ku wehliyay Kuxigenka guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka iyo dhamaan Gudomiyayasha Dhalinyarada 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.
Ujeedka shirkaan maanta ay yeesheen dhalinyarada ku nool degmooyinka kala duwan gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa tahriibka dhalinyarada ku dhiirata inay aadaan tahriibka kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan kala kulma safarada ay uga baxaan magaalada Muqdisho oo ay ku aadan dalal dibadda ah iyadoo qaar badan oo dhalinyarada ay ku geeriyoodaan badaha iyo dhulalka lama dagaanada ah.
Sidoo kale guddoomiyaha dhalinyarada gobolka Banaadir Md Abdikafi Mohamuud Makaraan wuxuu kala hadlay guddoomiyayaasha ururada dhalinyarada degmooyinka gobolka Banaadir sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen xuska maalinta dhalinyarada adduunka oo ku beegan 12-ka bishan August.image image image image image image