Ururka Dhalinyarada gobolka Banaadir oo Tartan Faneedka u qabtay degmooyinka magaalada Muqdisho+SAWIRO

Waxaa qamiisti lasoo dhaafay oo ku beegnayd 5-5-2016 si rasmi ah magaalada Muqdisho ugu furmay tartan faneedka degmooyinka gobolka Banaadir kaas oo uu soo qaban qaabiyay ururka dhalinyarada gobolka Banaadir.

Tartankaan oo ay ka qeyb galayaan ilaa 17-ka degmo gobolka Banaadir ayaa waxaa uu yahay mid maalin kasta ka dhacaya degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Tartankaan ayaa loogu magac daray tartanka horumarinta hal abuurka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad maamulka gobolka Banaadir dhanka maaliyadda Md.Ismaaciil Guure iyo guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (YABOOH) ayaa ka qeyb galay munaasabadda furitaanka tartan faneedkan iyagoo ku dhiiragaliyay in dhalinyarada ay muujiyaan kaalintooda ku aadan hidaha,fanka iyo sugaanta. Abdi Kaafi Mohamuud Makaraan Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada gobolka Banaadir ayaa u sheegay warbaahinta maamulka Gobolka Banaadir in tartankaan ay uga kol leeyihiin in dhalinyarada is dhex galaan islamarkaasna ay noqdaan kuwo nabada si wanaagsan ugu qeyb qaata iyadoo fanka iyo isboortiga ay yihiin jiheeynta bulshada oo u jiheenaya dhanka nabadda.

Furitaanka tartankan ayaa qamiistii waxaa ku loolamay degmooyinka Waabari Vs Hodan waxaana ku adkaatay oo ku saro maray dhanka qiimeynta degmada Waabari.

Sidoo kale degmooyinka Howlwadaag iyo Xamar Jajab ayaa kulankii 2-aad uu dhexmaray waxaana badisay degmada Xamar Jajab oo dhibco sare keensatay.

Tartan faneedkaan ayaa waxaa guddoomiye ka ah guddiga maamulaya Abwaan C/laahi Ciise Sangub waxaana soo qaban qaabiyay ururka dhalinyarada gobolka Banaadir.

Tartankaan ayaa maanta oo sabti ay 7-5-2016 waxaa isku arki doona degmooyinka Kaaraan Vs Heliwaa sidoo kale tartan kale ayaa wuxuu dhexmari doonaa degmada ku taallo koofur galbeed gobolka Banaadir ee Kaxda iyo degmada Waqooyi galbeed Muqdisho ee Dayniile.

Natiijada kasoo baxdo loolanka maanta u dhaxeeyo 4-ta degmo ee Kala ah kaaraan,Heliwaa,Kaxda iyo Dayniile aan idin soo gudbin doonno.

IMG_6243

IMG_6246

IMG_6250

 

13095913_578460555647006_7040188987343144640_nIMG_6281IMG_6280IMG_6279IMG_6278IMG_6277IMG_6276IMG_6275IMG_6274IMG_6273IMG_6272IMG_6271IMG_6268IMG_6267IMG_6266IMG_6265IMG_6264IMG_6263IMG_6262IMG_6261IMG_6260IMG_6259IMG_6258IMG_6257IMG_6256IMG_6255IMG_6254IMG_6253IMG_6252IMG_6251IMG_6250IMG_6249IMG_6248IMG_6246IMG_6245IMG_6244IMG_6243IMG_6242IMG_6241IMG_6240IMG_6292